Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug oo la dhaawacay

Nin Hubeysan ayaa Xalay fiidkii Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug ku dhaawacay Gudoomiyihii maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Kilwe.

Nin ku hubaysan bistoolad ayaa rasaas ku weeraray guddoomiyaha  waxaana halkaasi ka soo gaaray Gudoomiyaha Dhaawac.

Dhaawaca Gudoomiyaha ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada amaanka ayaa saakay ilaa xalay howlgalo culus ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

ilaa haatan ma jiro cid sheegatay Mas’uuliyadda falkaas.

PUNTLAND POST