Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo ka halday Amaanka Magaalada Bosaaso

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Taliyaha Booliska Puntland Jen Erag ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warar been abuur ah oo la faafiyay, kuwaaso lagu sheegay in khalkhal amini xumo u ka jiro Magaalada Boosaaso, taaso ay sameenayaan dad shacab ah.

Taliyaha ayaa intaas ku daray  in dad-weynaha ay kicinayaan dad Mansab siyaasadeed doonaya iyo kuwo ay aysan aqoon cida ay u shaqeeyan balse ay baarintaan ku hayaan,isagoona xusay in Puntland  u baahnayn in Amnigeeda laga wada shaqeeyo.

“shacabku Waa in ay ogaadan qofka so kaxaysanaya ee kicinta samaynaya ,danta uu leeyahay inay tahay in Mansab siyaasadeed oo u helo ama Noloshiisa oo u maqaam sare u ka gaaro,wuxuna caruurta iyo dumarka ka dhaadhicinaya in reerkooda wax lo dhimay ama lagu xadgudbay,taasina ma,ahan mid xaqiiqa ah,wadanka waxaa ka jira Garsoor cadaalad ah”.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in shacabku ay kalsooni ku qabaan Garsoorka iyo Laamaha amaanka,wuxuuna Tilmaamay in dhalinyaradii la xukumay dhawaan lagu helay inay dadbiga dilka  ah geysteen,loona hayo Markhaariyaal iyo cadaymo,wuxuuna cidii aanan ku qancin u so jeediyay inay maxkamada Racfaanka tagaan,taaso sharcigu xaq u siinayo.

“Shacabka Bosaaso waa inay Amaankooda ka shaqeeyan oo isku duubnaadan,ma,ahan in markii wax dhacaana laamaheena Amaanka la eedeyo,markii aan danbiilayaasha so qabano oo xukuno ay dadka wax khaldan warbaahinta ugu sheegan Dad aanan la aqoon cida ay u shaqeeyan,cidii amaanka wax lid ah ku samaysa sharciga ayaan horkeeneyna,cidii xaqiiqada rabtana Numberkeenu waa idiin furanyahay nala so xiriira.”.

Dhinaca kale,Taliyaha Booliska Puntland Jen Erag  ayaa Ciidamada Booliska iyo Kuwa Amniga Gobalka Bari ugu so jeediyay in Dadka shacabka ah loo turo,loona muujiyo dabacsanaan ,iyadoo la wanaajinayo la macaamilka shacabka dhincayda hadalka iyo dhaqanka.

Ugu Danbayntii Taliyaha Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag)  ayaa shacabka ugu baaqay inay Ciidamada la shaqeeyan,kuwaaso uu ku tilmaamay in ay yihiin indhihii,luguhii iyo Gacamihii u adeegayay iyaga,kana shaqaynayay ilaalinta naftooda iyo Hantooda inta’ba.

Hoos ka dhageyso Codka Taliyaha.

Xafiiska Warfaafinta Booliska Puntland

FAAFINTA-PUNTLAND POST