Ciidamada amaanka oo Boosaaso ku Xidhay Nabadoon Cabduqaadir Axmed Xarago.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka Puntland ay xalay ku xireen magaaladaasi Nabadoon Cabduqaadir Axmed Xarago.

Nabadoon Xarago ayaa ah Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari waxaana ay ciidamada Kala dageen gaarigiisa xili uu marayay mid kamid ah kontorolada magaalada Boosaaso.

Mid kamid ah ehladiisa ayaa warbaahinta u sheegatay in ciidamada amaanka ay xireen Nabadoon Xarago islamarkaasina aanay garaneeynin sababta ay Nabadoonka loo xidhay.

Ehaladiisa ayaa waxa ay sheegeen in aanay garaneeynin halka lagu xidhay Nabadoonka.

Warar madaxbanaan oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in xarigaan loo geeytsay Nabadoonka in ay sabab u tahay kadib markii uu warbaahinta u sheegay in xabsiyada Boosaaso lagu jirdilo Maxaabiista.

Dhanka kale xalay waxaa magaalada ka dhacay Dibad bax lagu dalbanayo in Nabadoonka xuriyadiisa dib loogu soo ciliyo.

PUNTLAND POST