Machadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maalintii la qabtay tababar ku saabsan hogaaminta wanaagsan , waxaana tababarkaan labaad loo qabtay jaamacadaha Puntland ee fadhigoodu magaalada Garowe ee caasimadda Puntland
Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda bariga Afrika faraceeda ,magaalada Garowe C/
Wuxuu sheegay tababarkaan inuu si gaar ah diirada u saarayay hogaaminta iyo hogaamiyaha wanaagsan, iyadoo shakhsiyaadka ka qeyb galayna uu ku ilmaamay in ay ahaayeen dad maamulayaal ah oo lagu tababarayay in kor loogu qaado garaadkooda hogaamiyeed iyo inay noqdaan dad wax ku ool ah.
Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Bariga Afrika ayaa ugu dambayn uga mahad celiyay machadka SIDRA tababarkaan qiimaha weyn ku fadhiya, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inuu wax badan kusoo kordhindoono tayada hogaamineed ee jaamacaddaha kuyaala Puntland ee barnaamijkaan ka faa’idaystay
Puntland Post