Xukun Lagu Riday Dhalinyaradii kufsiga ka geeysatay Galdogob

Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug waxaa goordhaweyd  ka dhacay  Xukuno lagu fuliyay Dhalinyaradii dhawaan Kufsiga u geystay Gabar 16-jir ah oo lagu magacaabo Ridaayo Saxardiid oo sidoo kale Muuqaalo laga duubay lagu baahiyay  baraha Bulshada.

Goobta uu xukunka ka dhacay waxaa ku sugnaa wasiirro katirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta, Saalax Xabiib Jaamac,  Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniso Xaaji Muumin iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland General Cabdiqaadir Shirre Faaarax (Ereg).

Goobta sidoo kale xukunka lagu fuliyay waxaa si weyn amaankeeda u adkeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland,dhalinyarada la xukumay ayaa gaaraya tiro ahaa 5-dhainyaro waxaa ku jira wiil la dhashay Ex- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Halkaan Hoose ka Akhriso Sida uu u dhacay Xukunka.

  1. 1-Shirwac Jamaac Juunle: 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
  2. 2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
  3. 3-Ayaanle wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
  4. 4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
  5. 5-C/risaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Dhanka kale xukunka kadib waxaa loo gudbiyay Magaalada Garoowe si xabsiga halkaas ku yaalo loogu xiro, waa sida ay ku heshiiyay labada dhinac.

PUNTLAND POST