Madaxweyne Gaas oo Kulan Balaadhan La Qaatay Bulshada Degmada Xaafuun

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas a oo ku sugan degmada Xaafuun ayaa maanta 26 January 2016 kulan la yeeshay wax garadka iyo maamulka Degmada, kulankaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan,

kulankan uu madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la yeeshay bulshada degmada Xaafuun ayaa waxaa uu ahaa kulan is xog waraysi ah oo uu madaxwynuhe ugu kuur gelayey xaalada guud ee degmada Xaafuun iyo marxalada ay ku sugan yihiin dadweynihii abaarta kasoo hayaamay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la hadlayey bulshadii kulanka uu la qaatay ayaa sheegay in dawladu qorshaynayso wax ka qabashada baahiyada ka jira degmada iyo degaanada hoosyimaada, sidoo kale madaxweynaha ayaa balan qaaday qodaalka ceel biyood laga hirgelindoono, waxana iyaduna qayb ka ahayd balanqaad ka in degmada laga hirgeliyo golaha degaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay hay’ada biyaha, tamarta macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda puntland ”PSAWEYN”  dedaalka ay ugu jiraan hirgelinta halku dhiga ”HAL-JID HAL-CEEL” oo ka ay hirgelisey gobolada Puntland ceel biyoodyo ay ka faa’idaystaan shacabka Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda oo weli ku guda jira kormeerkii uu ku dhex marayo bulshda ku dhaqan Gobolada Bari iyo Karkaar ayaa galabta gelinkii danbe booqday tuulada garduush, halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn balaadhan bulshadii ku sugnayd, kadibna raashin iyo biyo loogu qaybiyey dadkii danyarta ahaa ee degenaa tuuladaasi Garduush.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.