Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda ee Degmada Xaafuun

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada xaafuun ee gobplka Karkaar ayaa maanta 26 January 2017 komeeray xarumaha Dawladda ee degmadaasi, waxaana kamida goobaha uu kormeeray madaxwenuhu Cusbitaalka weyn ee degmada  Xaafuun, dugsiga H\Dhexe ee degmada iyo dekedii hore ee degmada Xaafuun.

Kormeerka uu ku tegey xarumaha Dawlada ee Degmada Xaafuun ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Masuulinyii ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Karkaar iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kormeeray cusbitaalka weyn ee degmada Xaafuun isagoona ka xog wartaystay maamulka cusbitaalka xaalada guud ee cusbitaalka iyo sidoo kale baahiyaha gaar ka ah ee uu u baahan yahay in gacan laga geysto.

Kormeerka kadib hadal uu siiyey madaxweynuhu warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in cubitaalka uu yahay mid wax badan ka qaban kara baahida shacabka ku dhaqan degmada Xaafuun iyo degmaanada ku hareeraysan sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha cusbitaalku ay yihiin kuwo ka soo bixi kara shaqada ay u hayaan dadkooda.

” sharaf ayay noo tahay inaan cusbitaalka soo booqano runtii waxa aanu ku aragnay maaha wax caadiya, waxaa ka shaqaynaya shaqaale u tababaran shaqada ay u hayaan bulshadooda, runtii cusbitaalkan waxaa uu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan ee Puntland ka jira aad ayaana ugu bogaadinayaa dhamaan shaqaalada iyo maamulka Cusbitaalka, dabcan muhiimad gaara ayay leedahay degmada Xaafuun sababtoo ah waa magaalo ka dheer adeegyada bulshada oo aan degdeg lagu gaarsiin karin sababtoo ah meesha ay ku taalo ayaa aad u fod” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kormeeray Dugsiga Hoose\dhexe ee degmada Xaafuun, saldhiga Booliska iyo dekedii hore ee magaalada taarikhiga ah ee Xaafuun.

Ugu Danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay shacabka iyo maamulka degmada Xaafuun dedaalkooda iyo sida ay ugu heelan yihiin hirgelinta hurumarka degmadooda iyo degaanada hoos yimaada.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.