Madaxweynaha Puntland oo daahfuray gargaarka loo fidinaayo dadka abaartu saamaysay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada xiriiro ee gobolaka bari ka daahfuray gargaarka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameyeen ee ku soo hayaamay degaanada gobolada karkaar iyo Bari.

Daahfurka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, masuuliyiinta gobolada Bari iyo Karkaar,  saraakiisha ciidamada Puntland iyo sariil ka tirsan  Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u daafuray gargaarka loo fidiyey dadka abaartu saameeyeen ayaa sheegay in gargaarkani lagaarsiin doono 8,000 oo qays ku waas oo ka soo hayaamay Waqooyiga, Koonfurta, iyo Bariga Soomaaliya isla markaana waxa uu madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta ku hawlan qaybtinta macaawimadan in ay si caadalada u gaarsiyaan dhamaan dad kaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeedey in  gargaakan loogu deeqay dadka abaaruhu saameeyeen uu ku timi halku dhiga ah ‘’Puntland ha isku tashato’’ taas oo ay iska kaashadeen Dawladda Puntland iyo shacabkeeda, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in beesha caalamka iyo cidkasta oo ku foogan arimaha bini’ aadantinimada aanay wax gacana ka gaysan gargaarkan lagu caawinayey dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu saamaysay,balse ay isku tashatay.

Madaxweynaha ayaa in taasi ku daray in Dawladdu ay ku dedaali doonto hirgelinta ceelasha biyaha kuwaas oo laga hirgelin doono dhamaan gobolada Dawladda Puntland weliban laga midhadhalindoono hal kudhiga ‘’ HAL-JID HAL-CEEL’’ si looga gaashaanto biyo la’aanta baaxada iyo dhibaatooyinka ay abaaruhu gaystaan..

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay ceel biyood laga hirgelindoono magaalada xiriiro ee gobolka bari  ceel-kaasi oo ay qodi doonto Haya’ada Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland.

Madaxweynuha Dawladda Puntland faffain dheerada ka bixyey talaabooyinka dhinaca horumarinta biyaha laga qaaday ayaa sheegay in hore laysugu deyey in laga hirgeliyo ceelal magaalada xiriiro hase yeeshee wax biyo ah laga waayey iminkana ay tahay markii sadexaad oo laga qodo tuuladaasi, waxaana uu madaxweynuhu illahay ka baryey in lagu guulaysto qodaalka ceelka si ay uga faa’idaystaan ummada Soomaliyeed ee isugu soo hayaamay degaanadani.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa u sii kicitimay bariga gobolka Bari waxaana ugu horayn sidiiran loogu soo dhoweeyey magaalooyinka xunba-bays, Mareer iyo dardaare, islamar’ahaantaana waxa uu  madaxweynuhu uga mahad celiyey shacabka iyo masiiliyiinta magaalooyinkaasi soo dhoweyntooda.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa gaaray degmada xaafuun ee gobolka bari, halkaas oo shacabka iyo maamulka degmadaasi si diiran ugu soo dhoweyeen Madaxweynaha iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.