Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku maraya deegaanada ay kusoo hayaameen reer miyiga

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku tegey degaano ka tirsan Gobolka Bari ku waas oo ay isugu soo hayaameen Dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu wax yeelaysay.

Kormeerkan shaqo ee Madaxweynuhu kula soconaayey xaalada ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada abaartu saamaysay ee ku soo hayaamay degaamadaasi ayaa waxaa  madaxweynaha ku wehelinaayey safarkiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, masuuliyiinta gobolada Bari iyo Karkaar, duqa degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada Dawladda iyo saraakiil kamida  Madaxtooyada Dawladda puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada kob-dhexaad oo hoostagta degmada Ufayn ee Gobolka Bari, soo dhoweyn kadib Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay cusbitaal ay yeelan doonto Magaaladaasi waxaana ay shacabka magaalada Kob-dhexaad cadeeyeen inay ku dhisidoonaan dhismaha cusbitaalka si iskaa wax u qabso ah tasoo ay sheegeen in ay ka midhadhaliyeen hal-kudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu shacabka magaalada ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin horumarinta magaalada, isla mar ahaanta waxa uu cadeeyey in Dawladdu cagan ka gaysan doonto dhismaha cusbitaal iyo sidoo kale qalabayntiisa.

Intaasi kadib Madaweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay Dhanka Magaalada Dharoor oo ka tirsan Degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari waxaana uu madaxweynuhu Soo kormeeray ceel biyood laga qodayo Magaalada Dharoor isla markaana ay hir gelinaysey Dawladdu, waxaana uu madaxweynuhu sheegay inay Dawladda Puntland diyaar u tahay inay hirgrliso halku dhigeeda ah ‘’HAL-JID HAL-CEEL’’ si shacabka Puntland ay uga haqabtirmaan biyo la’aanta iyo sidoo kale wadooyinka muhiimka ah ee isku xira gobolada Puntland, kormeerka kadib shacabka Magaalada Dharoor ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey magaaladaasi Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Madaxweyd Cali Gaas ayaa degaanka Yadan-yoodin oo kamida meelaha ay ku soo hayaameen dadka xoola dhaqatada ah ee ay abaartu saamaysay waxa uu ku wareejiyey raashin 500 oo qays  kasoo oo ay Dowlada Qadar usoo marsiisay hay’ada khayriga ah ee Tadamun.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay u soo kicitimeen Degmada Isku-shuban ee gobolka bari waxaana ay shacabka magaaladaasi si diiran u soo dhoweyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey, soo dhoweyn kadib madaxweynaha ayaa layeeshay maamulka iyo waxgaradka degmada kulan is xog-waraysi ah waxaana ay uga warbixiyeen xaalada guud ee degmada iyo degaanada hoos yimaada.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Madaxweyd Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa usoo kicitimay magaalada Xiriiro oo katirsan degmada Isku-shuban ee gobolka bari waxaana uu madaxweynuhu kulamo kala duwan la qaatay shacabka iyo maamulka magaaladaasi.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.