Koox hubeysan oo Nabadoon ku dhaawacday Bosaso

Koox ku hubeeysan Bastoolado ayaa Goordhow Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari ku dhaawacday Nabadoon.

Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo kamid ah nabadoonada ugu caansan Gobolka Bari ayaa rag aan heeybtooda lagaran ku dhaawaceen magaaladaasi Boosaaso.

Nabadoonka ayaa Ayaa ku Sugnaa Goob aan sidaasi uga fogeeyn  Hotel Yaasmiin ee Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso halkaasi oo lagu dabiibayo xaalada Caafimaad Ee Nabadoonka.

Kooxihii falkaasi Geeystay Ayaa ka baxsaday goobta waxaana Ciidamada Amaanka Puntland ay howlgalo ka wadaan gudaha magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhaca falal dilal ah oo xiliyadii dambe ku soo laabanayay.

PUNTLAND POST