Eng Cameey oo dhaliilay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne ku Xigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdi Xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Cameey ayaa maanta ka hadlay hadal dhowaan ka soo yeeray madaxweynaha waqtigiisu uu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Cameey ayaa sheegay in Xasan Sheekh aanay waxba ka Galin Arimaha Puntland islamarkaasina aanu ka hadli karin.

Waxa uu taageeray hadalkii ka soo yeeray wasiirka Haweenka Puntland taasi oo ka soo horjeeystay hadalkii ka soo yeeray Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegay in kufsi badan uu ka dhaco Magaalada Muqdisho Ee meelaha kale oo ay Dowlada Ka Taliso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in Dowlada Soomaaliya ay dabiib caafimaad ay u sameeyn doonaan haweeneeydii  lagu kufsaday magaalada Gal-Dogob.

Hoos ka daawo Video-ka.

PUNTLAND POST