Musharax Cali Xaaji Warsame oo lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho

Musharax Cali Xaaji Warsame oo kamid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka madaxtinimo Ee Soomaaliya ayaa Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Musharax Cali Xaaji ayaa si weeyn loogu soo Dhoweeyay Muqdisho waxaana soo dhoweeyntiisa ka qeeybgalay Wasiiro Xubno ka tirsan Labada Gole Ee Baarlamaanka iyo Siyaasiin ku Sugan Muqdisho.

Amaanka Musharax Cali Xaaji ayaa waxaa sugayay Ciidamo katirsan Kuwo Dowlada Soomaaliya .

Cali Xaaji Warsame oo Warbaahinta la hadlay Ayaa ugu baaqay in Xildhibaanada ay Codka siiyaan si dalka uu hormar u gaarsiiyo.

Musharax Cali Xaaji ayaa Sheegay in uu Dhisayo Golayaasha Dowlada Si Waafaqsan Nidaamka iyo Sharciyada Dalka si loo helo Dowlad Sal balaaran leh.

ugu dambeeyntii Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Haddii uu ku guuleeysto jagada madaxtinimo Ee Dalka in uu il Gooni ah ku Fiirin Doono Dadka Dhibanayaasha ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho