Dowlada Koonfur Korea oo Mawaadiniinteeda ka Mamnoocday in ay u Safraan Soomaaliya

Wasarada arimaha dibada Koofur kuuriya ayaa sheegtay in ay muwaadiniiteeda kamam nuucday u safrida lix dal oo katirsan wadamada Bariga dhexe iyo qaarada Africa si muwaadiniita ay u ilaaliso.

Koofur kuuriya ayaa hakisay in muwaadiniinta dalkeeda u dhashay ay safar ku aadaan dalalka Somalia, Syria, Iraq, yeman, liibiya ,Afganistaan iyo waliba qaar kamid ah gobalada dalka philipean, waxaana ay sheegtay in ay ku egtahay xayiridan safarka muwaadiniinteeda ilaa iyo dhamaadka bisha july sanadkan 2017 iyada oo xustay lix bilood kadib in qorshaha uu yahay soo afjarida xadidaada socdaalada taa oo ku eg janaayo 31.

U jeedka xadidada safarkaan ayaa ah in la ilaaliyo nolosha iyo hantida dalka koonfur kuuriya wadamadaas oo ay ku sheegtay in ay ka taagan yihiin xasilooni daro siyaasadeed, weeraro argagixo, amni la’aan. Sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada.

Qof walba oo jebiya xeerkan ku aadan socdaalka safarada ayaa la sheegay in uu wajihi doono halsano oo xabsi ah iyo lacag dhan 8,270$.

PUNTLAND POST