Wacyigelin laga sameeyey Burtinle oo ku saabsan Dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Waxaa socda qorshe la doonayo in dhawaan lagu bilaabo dayactirka wadada isku xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taas oo kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan ugana mashquulka badan ee mara dalka Soomaliya.

Dowladda Puntland oo kaashanaysa Ururka midowga Yurub iyo Dowladda Jarmalka ayaa qorsheynaysa in dhawaan dib u dayactir lagu sameeyo wadadaasi.

Munaasabad kooban oo la xiriirta wacyigelin ku aadan sidii dadka deegaanku uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha dib u dayactirka ah ee wadaasi ayaa lagu qabtay Degmada Burtinle iyo Tuulada Faratooyo ee Gobolka Nugaal, waxanaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, iyo qaar kamid ah Maamulka iyo shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Mudane Maxamed Jeelle oo ka tirsan Masuuliyiinta Hay’ada PUNCHAD oo wakiil uga ahayd Hay’ada GIZ iyo PHA fulinta barnaamijka wacyigelinta ayaa waxuu ka warbixiyey qaybaha ay ka koobantahay wacigelinta asagoo xusay in ay isugu jirto fariimo qoraal iyo suugaan ah si dadka looga dhaadhiciyo doorka laga filaya in ay ka soo baxaan.

Eng C/samed Keyse oo ka socda hay’adda GIZ ee Dalka Jarmalka oo mashruucan fulinaysa ayaa ugu horayn sharaxay qaabka loo wajahi doono mashruuca dhismaha wadadaasi isagoona sheegay in dhawaan ay bilaabmayso wadada loona baahan yahay in Bulshada deegaanka Burtinle,faratooyo iyo  deegaanadda kale ee ay wadadani soo marayso ay ka shaqeeyaan sidii loo dhamaystiri laha wadada ayna la shaqeeyaan cida hawshaas qaabilsan.

Gudoomiyaasha deegaanada Burtinle Maxamed Maxamuud Axmed Cumar oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyey mashruucan dib loogu dayactirayo wadada xiriirisa Garoowe iyo Gaalkacyo, isagoona balanqaaday in dhamaan shacabka deegaanku ay kaga qayb qaadan doonaan muruq iyo maal intaba sidii wax looga qaban lahaa wadadaas ayna ka masuuliyiin iyo shacaba ay diyaar u yihiin dayactirka wadaaasi.

Dhan kale Gudoomiyaha Hay’adda wadooyinka Dowladda Puntland ee PHA Eng. Maxamed C/nuur ayaa ugu baaqay dhamaan Bulshada Puntland inay u istaagaan ka qaybqaadashada dhismaha dib loogu dayactirayo wadadaasi, isagoona sheegay in wadadaan ay dadka iyo gadiidkuba dhibaato weyn ay ku qabaan isticmaalka wadaasi ,hadii la dhisana ay ka helayaan adeegyo badan oo ay awal suurta gal ahayn in ay helaan,taas badalkeedana ay noqonayso in dadka deegaanka ay masuuliyad gaar ah iska saaraan sidii ay wadadaasi loogu guulaysan lahaa dayactirkeeda.

Markii Munaasabada wacyigelinta ah ay soo idlaatay ayey Bulshada deegaanka Burtile iyo Xarfo ay  bilaabeen ole-ole ay ku ku geed gownayaan hareeraha wadadaasi, oo la doonayo in laga hirgaliyo wado macmal ah oo ay isticmaali doonan gaadiidka inta dhismaha laga wado jidkaasi.

Waxaa sidoo kale barbar socday taagitaanka boorar waaweyn oo laga taagayey afaafka hore ee lagagalo magaalooyinka larabo in ay ka bilaabmaan dhsimaha wadada  si ay u muujiso macluumaadka ku saabsan mashruuca.

Wadadaani xiriirisa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa kamid ah wadooyinkii burburay kadib markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka, waxaana hadii dib u dayactir lagu sameeyo ay noqonaysaa mid faa;iido weyn uleh Bulshada Soomaliyeed,  maadaama ay tahay wadada kaliya oo laami ah, taasi oo xiriirisa gobolo badan oo kuyaala Koofurta, Bariga iyo Waqooyiga Soomaliya.

img_0597

img_0615

img_0627

img_0638

img_0640

img_0646

img_0661

img_0689

img_0691

img_0704

img_0758

img_0774

img_0785

img_0814

img_0816

img_0845

img_0847

img_0858

img_0879

img_0884

img_0890

img_0892