Al-Shabaab oo Sheegatay Masuuliyada Dilka Xeer Ilaaliyihii Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland

Xili Maanta Rag hubeeysan ay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari Ay ku Dileen Allaha u naxariistee C/kariin Xasan Fardhiye  oo Ahaa Xeer Ilaaliyihii Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida Ee Dowlada Puntland ayaa Dilkaasi Waxaa Sheegtay Kooxda Al-Shabaab.

Sh. C/Casiis Abuu Muscab oo Ah Afhayeenka Al-Shabaab oo Goordhow la hadlay Warbaahinta Afka al-Shabaab ku hadasha ayaa Sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeeyeen Dilka Xeer ilaaliye Firdhiye.

Abuu Muscab ayaa sheegay in Taliyaha iyo Askari ilaalo u ahaa ay Toogteen Sida uu hadalka u Dhigay islamarkaasina Ragii dilay ay baxsadeen inkastoo Warar soo baxaya ays heegayaan in La qabtay dad lagu tuhmayo in dilkaasi ay ka dambeeyeen.

Ciidamada Amaanka Dowlada Puntland ayaa howlgalo Culus ka wada haatan magaalada Boosaaso kuwaasi oo Amaanka lagu Xaqiijinayo.

PUNTLAND POST