Xiisad kasoo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saakay uu ka qarxay Dagaalo u dhaxeeyo Ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ku biloowday Madaafiic ay is weeydaarsanayeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dagaalka ayaa waxa uu ka qarxay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo halka loo yaqaano Dooxada barda Dheere ee xarunta hore ee warshada Galeeyda oo sidaasi uga fogeeyn xarunta taliska booliska Ee Galmudug.

Dhinacyada Puntland iyo Galmudug Ayaa isku eedeeyay durba dagaalkaasi in uu ku soo qaaday kan kale iyaga oo ku eedeeyay in ay bur buriyeen xabad joojintii iyo nabadeeyntii.

Waxaa bur burtay xabad joojin la dhax dhigay Dhowaan Dhinacyada Galmudug iyo Puntland taasi oo ay garwadeeyn ka aheyd Qaramada Midoobay iyo Dowlada Soomaaliya.

Faah Faahinta kala soco PUNTLAND POST insha allah