Madaxweyne Gaas iyo Ra’isilwasaare Cumar oo Kulan Deg Deg Ah Muqdisho ku Leh

Madaxweeynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku Sugan Muqdisho ayaa isugu yeeray Xubnaha Labada Aqalka Ee ka imaanaya Puntland.

Kulankaan Ayaa waxaa Goobjoog ka ah Ra’isilwasaare Cumar iyo Xubno Siyaasiin ah oo ka soo jeeda Puntland.

Kulankaan oo ah Mid Xasaasi Ah ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha la xariira Masiirka Gobolada Sool iyo Sanaag oo Puntland ay dooneeyso in loo weeciyo Doorashadaasi Garoowe.

Kulankaan oo Saxaafadu ay dibada ka joogto ayaa hada warar hoose PUNTLAND POST Xafiiskeeda Muqdisho ay heleeyso ayaa waxa ay sheegayaan in looga hadlayo arimaha Gobolada Sool Sanaag.

Madaxweynaha Puntland Dr Gaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku Maandhaafsan Doorashada Xubnaha Gobolada Sool iyo Sanaag .

Dowlada Xasan Sheekh ayaa dooneeysa in Doorashadaasi ay ka dhacdo Muqdisho halka Dowlada Puntland ay arintaasi ka hor timid.

Lama oga halka uu xaalku ku dambeeyn doono iyo natiijada ka soo bixi karta kulankaan Wixii ku Soo kordha kala soco PUNTLAND POST Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho