Waftiga Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo  ayaa maanta gelinkuu danbe 15 December  2016   gaarey caasimada Dalka soomaaliya ee Muqdisho.

Weftigan uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawlada puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airpot ku soo dhoweeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo hawlo shaqo u jooga Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo masuuliyiin kamida golayaasha kala duwaan ee dawlada fadaraalka Soomaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxa ay ka qayb geli doonaan shirka madasha wadatashiga qaran qaran ee khuseeya arimaha doorashooyinka soomaaliya, kana furmi doona magaalada muqdisho ee caasimada dalkeena Soomaaliya, waxaana uu shirka madasha qaran salka ku hayaa Sidii looga arinsan lahaa loona soo gebagebayn lahaa Doorashada Soomaliya oo hada meel fiican Maraysa.

Shirka madasha wada tashiga qaran ee lagaga arinsan doono gunaanudka iyo gebegebaynta doorashooyinka soomaliya ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hogaminayey ujoogu donaan maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho,

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawlada puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aayaa door muhiima ka soo qaatay kulamadii kala duwanaa ee ay yeesheen  madasha wadatashiga qaran, isla markaana waxuu  markasta hadafkiisu ahaa inuu madasha ku kordhiyo wax walba oo Soomaliya horumarkeeda ah, guulna  u ah shacabka Soomaaliyeed  iyo Dawladda Puntland-ba.

–DHAMMAAD—

XADIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.  

img_9395 img_9406 img_9409 img_9412 img_9414
img_9429 img_9430 img_9437 img_9441 img_9448 img_9451 img_9459 img_9460 img_9465 img_9466 img_9467 img_9469 img_9471 img_9472 img_9473 img_9478 img_9480 img_9482