Daawo Shir jaraa’id Madaxweynaha Puntland uga hadlayo xaalada Abaarta

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 Dec, 2016 shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa oo ku yaalla Madaxtooyada Garoowe wuxuuna si faahfaahsan uga xog waramay warbaahinta caalamka iyo warbaahinta gudaha xaaladda abaaraha ee xiligan ka jira Puntland, isagoo tilmaamay in xaaladdu ay marayso meel aad u adag isla markaana ay u baahan tahay in lasii xoojiyo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladdu ay hore ugu deeqday Hal Milyan oo doollar ( 1 Million Dollar) lacagtaas oo goor horeba gurmad loogu fidiyay dadka ay abaaruhu saamaynta u gaysteen ee ku dhaqan deegaanada Puntland, isagoo beesha caalamka iyo ha’adaha deeqaha bixiya ku adkeeyey inay kaalin muhiim ah ka qaataan gurmadka abaaraha Puntland.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.