Madaxweynaha Puntland oo Shahaado ku ansixiyay Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  maanta 13 December 2016 xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose ee Puntland umetelaya  baarlamaanka Soomaaliya gudoosiiyey shahaadada ansixinta xubinimadooda xildhibaan,  isla markaana xalfad qado sharaf ah ugu qabtay xarunta dalxiiska Hidda-raac ee Garoowe.

Munaasibadan lagu gudoon siinaayey xildhibaanada shahaada ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa,  guddiga doorashooyinka heer fadaraal, guddiga doorashooyinka Puntland, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyo saraakiil kamida Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa la dardaarmay Xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Soomaliya waxana uu mdaxweynuhu ku booriyey xildhibaanada inay ahaadaan kuwo ka shaqeeya horumarka Soomaaliya, isla markaana masuuliyad gaara iska saaraan shaqada baaxada leh ee ay uqaban doonaan Shacabkooda.

‘‘Hawshan maanta meeshan ka dhacday runtii dedaaldheer ayaa galay juhdi dheer ayaa galay fikir dheer ayaa galay, gobolada in la aado oo wax lagu soo doorto waxay ahayd fikir kamiyi Puntland, si salimana waa ay noogu raceen dhamaan  masuuliyinta maamul goboleedyada dalku, sababtoo ah fikirkii saxda ahaa buu ahaa, waxaan idinkula dardaar mayaa inaad ka shaqaysaan horumarka dalkiina iyo  shacabka idin doortay’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Sidoo kale maxweynaha ayaa ku amaanay ugana mahad celiyey Baarlamaanka Puntland,  Gudiga doorashooyinka heer Puntland , guddigadoorashooyinka Soomaaliya, ciidamada amaanka Puntland dedaalka iyo shaqada aan  hakadka lahayn ee ay ugaleen sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadu.

Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudanae Axmed Cali Xaashi ayaa isaguna dhankiisa kula dardaarmay  xildhibaanada inay markasta ka shaqeeyaan  horumarka shacabkooda iyo sidii ay dalkooda ugu horseedi lahaayen waxkastoo dan u ah.

Gudiga doorashooyinka Soomaaliya iyo gudiga doorashooyinka heer Puntland oo iyaguna madasha hadalo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in  doorashadu u dhacday  ka dhacday sidii loogu tala galay,  islamarkaana tibaaxay xildhibanada soobaxay in ay yihiin kuwo ku haboon xubinimadan loo doortay.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyo udiray Xildhibaanada ku guulaystey ka mid noqoshada baarlamanka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey inay markasta u adeegaan  ka shaqaynta danaha Shacabka Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_8774 img_8787 img_8801 img_8810 img_8813 img_8818 img_8847 img_8851 img_8855 img_8859 img_8875 img_8881 img_8885 img_8888 img_8889 img_8891 img_8920 img_8927 img_8929 img_8930 img_8936 img_8938 img_89461 img_8946 img_8953 img_8958 img_8959 img_8961 img_8962 img_8964 img_8965 img_8970 img_8972 img_8975 img_8980 img_8981 img_8986 img_8992 img_8995 img_8999 img_9003 img_9007 img_9008 img_9010 img_9011 img_9013 img_9014 img_9018 img_9021 img_9025 img_9028 img_9031 img_9032 img_9036 img_9039 img_9041 img_9042 img_9046 img_9047 img_9048 img_9049 img_9051 img_9053 img_9054 img_9057 img_9061 img_9064 img_9069 img_9070 img_9071 img_9073 img_9077 img_9085 img_9086 img_9095 img_9099 img_9103 img_9110 img_9125 img_9133 img_9134 img_9143 img_9145 img_9158 img_9165 img_9226 img_9227 img_9229 img_9232