Keating oo ku Baaqay in la Xaliyo Tabashada Puntland kana Digay dib u dhaca Doorashada

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  arrimaha Soomaliya Denjire Micheal Keating oo war qoraal ah kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa ka digay In mar kale dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya  iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.

Denjire Michel Keatinga Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya  ayaa carabka ku adkeeyay in doorashada Madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Federaalka Soomaliya aan la gaarsiisin sanadkan cusub ee 2017-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay inay haboon tahay doorashada inay dhacdo ka hor sanadka cusub ee  2017-ka xili marar badan dib loo dhigay kadib wixii la rabay oo aan la dhameystirin.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in si dhaqso ah loo xaliyo  tabashada maamulka Puntland uu ka qabo doorashada xildhibaanada aqalka sare ee gobolada waqooyi taasi oo uu ku tilmaamay inay dib u dhac kale keeni karto.

Dhinaca kale Denjire Micheal Keating wuxuu si dadban u sheegay in beesha caalamka iyo ururada daneeya Soomaliya aysan ka niyad jabi doonin doorashada haddi ay gaarto sanadka cusub ee 2017.

PUNTLAND POST