Madaxweyne Gaas oo kulan la qaatay Guddiga Abaaraha Puntland.

Madaxweynaha Dawllada Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas ayaa manta 22 November 2016 kulan la qaatay qaar kamid ah  gudiga abaaraha ee goloyaasha Dawllada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynuhu laqaatay gidiga abaaraha ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawllada Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kala hadlay gudiga sida abaarta baahsan ee ka jirta Puntland wax looga qaban lahaa iyo sidii dawladda Puntland uga qayb qaadan lahayd gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen abaarahu.

Madaxweynaha Dawllada Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas oo kulanka si xeeldheer uga hadalay ayaa ugu horayn ka warbixiyey abaarta baahsan ee ka jirta Puntland, isla mar ahaantaana intaasi ku daray in ka Dawladd ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb galayaan gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qorshe sidii looga hawl geli lahaa xaalada abaaraha ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawllada Puntland ayaa sheegay in ay hore ugu gudbiyeen baaq beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dad ka ay abaartu saamaysay.

Ugu danbeyn  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha uguna bedelo raxmaddiisa iyo naxariistiisa.

 

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_0791 img_0792 img_0794 img_0812