Madaxweynaha Puntland oo kusoo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey oo arimo la xiidhiidh xalinta iyo nabadaynta Magaalada Gaalkacayo u joogey ayaa maanta 20 November 2016 waxaa uu soo gaaray Caasimada Dawladda Puntland ee  Garoowe haalkaas oo si balaadhan loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Dawllada Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa duleedka caasimada Garoowe ku soo dhoweeyey Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka mida golayaasha Dawladda Puntland iyo Saraakiisha ciidanka Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor intii aanu soo gaarin Caasimada Garoowe waxaa uu kusoo hakaday qadar kooban degmada Burtinle halkaas oo uu kulan gaaban kula soo qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mudadii uu ku sugnaa gobolka Mugub magaala madaxdiisa Gaalkacayo guulo lixaadleh ka gaaray xaalada Gaalkacayo, isagoona xasiliyey xiisadii daagaaleed ee ka oognayd magaalada gaalkacayo kadib markii uu shirar isdaba jooga laqaatay odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudanne Cumar Cabdirashii Cali Sharmaake iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Gaalkacayo ka hirgeliyey xasilooni halkaas oo dadkii magaalada ka qaxay ay bilaabeen in ay magaalada dib ugu soo laabtaan, kadib markii xabadjoojin rasmi ah laga dhaqangeliyey.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_0291 img_0292
img_0377 img_0379 img_0382 img_0384 img_0385 img_0388 img_0392 img_0393 img_0395 img_0396 img_0400 img_0402 img_0407 img_0410 img_0412 img_0414 img_0416 img_0418 img_0419 img_0422 img_0425 img_0429 img_0430 img_0431 img_0434