Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Nabadeynta Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 November 2016 kulan laqaatay guddiga nabadaynta magaalada Gaalkacayo ee Dawladda Puntland iyo maamulka Galmudug, guddigaas oo loo xilsaaray inat ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa colaadda soo noq noqotay ee magaalada Gaalkacayo. .

Kulankan maanta uu gudigii nabadaynta la qaatay Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey  masuuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dawladda Puntland iyo saraakiisha ciidamada, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,  Madaxweynaha Gal-mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, xubnaha guddiga labada dhinac iyo xubno ka socday beesha caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kualanka ka jeediyey hadalo waano iyo dardaaran isugu jira ayaa soo jeediyay in la isku dhafo ama si isweydaar ah la isugu daro guddiga labada dhinac si loo abuuro kalsooni ay labada guddi ku wada shaqayn karaan islamarkaana ay guul uga gaaraan howlaha ka shaqaynta nabada.

Dhinaca kale masuuliyiintii kale ee shirka ka qayb galay iyo xubnaha guddiga ee labada dhinac ayaa si weyn usoo dhoweeyey talo soojeedinta madaxweynaha, waxaana la isku daray sidii madaxweynaha Dawladda Puntland soo jeediyey xubnaha guddiga.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddiga uga mahad celiyey dedaalka iyo tallaabada muhiimka ah ee ay ka gaareen kala qaadista ciidamada iyo xabad joojinta ay ka hirgeliyiin magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale guddiga ku booriyey inay dedaalka sii wadaan si loo helo xasilinta iyo nabadaynta magaalada Gaalkacayo, welibana guddiga ku dhiiri geliyey in tallaabo walba oo ay qaadaan ay noqoto mid guul usoo hoysa xal u helidda xaaladda magaalada Gaalkacayo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isaguna dhankiisa ku dhiiri geliyey guddiga labada dhinac ee nabadaynta magaalada Gaalkacayo inay ku dedaalaan dardar gelinta ka shaqaynta nabadda iyo xasilinta magaalada Gaalkacayo, islamar ahaantaana tilmaamay in Gaalkacayo ay u baahantahay nabad iyo horumar.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kulanka erayo kooban ka sheegay ayaa tibaaxay in guddigu ay tallaabo wax ku ool ah ka gaareen xabad joojinta iyo kala qaadista ciidamada taasina ay tahay mid rajo wanaagsan ka muujisay talaabooyinka waddatashi ee ay  guddigu qorshaysteen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulanka soo gebagebeeyey ayaa tilmaamay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay marwalba diyaar u ahaayeen adkaynta nabad gelyada iyo deris wanaagga iminka ay sii labanlaabi doonaan.

img_0177 img_0196 img_0198 img_0210 img_0214 img_0224 img_0230

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.