Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaaladii u Danbeeyey ee Ka Dhacay Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 Nov, 2016 wuxuu Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Isbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha waxaa booqashada uu ugu tagay dadkii dhaawacmay ku weheliyey masuuliyiin kamid ah golayaasha Dawladda Puntland, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qaba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxaana lagu dabiibayaa Iisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Galkacayo Mecical Center “GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen sidii loo daweyn lahaa dadka ku dhawaacmay dagaalada Gaalkacayo iyagoo inta badan ku guulaystay inay daweeyaan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib kulan la qaatay masuuliyiinta iyo dhakhaatiirta Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Isbitaalka GMC, waxaana uu Madaxweynuhu ka waraystay xaaladda dadka shacabka ah ee ku wax yeeloobey dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka guddiga dib u dhiska Isbitaalka guud ee Gaalkacayo waxayna dhankooda ka xog warameen meesha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qabsoomay dib u dhiska Isbitaalka..

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Cawke ayaa dhankiisa sheegay in hawlwadeenada Isbitaalka Gaalkacayo iyo Isbitaalka GMC ay si wanaagsan ugu heelan yihiin u adeegidda shacabka gaar ahaan dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaaladaasi ee ay xaaladooda caafimad gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ee Gobolka Mudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay shacabka ugu dedaalayaan wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaalada, sidoo kale Madaxweynaha ayaa cafimaad u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacayo.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WAYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

.

img_9357 img_9366 img_9367 img_9369 img_9372 img_9374 img_9375 img_9376 img_9378img_9387img_9399 img_9413 img_9419 img_9427 img_9441 img_9444img_9463 img_9477 img_9481 img_9485img_9501 img_9509 img_9511 img_9526 img_9531 img_9534 img_9537 img_9543img_9546 img_9549 img_9556 img_9558 img_9567 img_9574 img_9585 img_9603 img_9610 img_9613 img_9615 img_9621 img_9624 img_9631img_9640img_9655 img_9663img_9669img_9673 img_9674 img_9680 img_9685