Wasarada Amniga Puntland oo go’aan kasoo saartay Itoobiyaanka alaabta ku wareejiya xaafadaha

Garowe(Puntland Post) Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa mamnuucday Itoobiyiinka maacuunta ku wareejiya xaafadaha magaalooyinka Puntland kuwaasoo ay Soomaalidu u taqaano Badal-badal.

Wasiirka Amniga Cabdi Xisri Cali (Qarjab) oo ayaa la waydiiayy siday ula socdaan dhaq-dhaqaaqa Badal badalka Itoobiyaanka ee ku dhex wareega xaafadaha magaalooyinka waa weyn, wuxuu sheegay inay la socdaan dhammaan socodkooda.

Qarjab wuxuu sheegay inay maanta ka dib mamnuuc tahay ganacsiga soconaya sida kan badal badal kaasoo uu sheegay inuu caqabad ku yahay ganacsiga dadka Soomaalida ah ee fadhiga ku ganacsada, wuxuuna sheegay inay badal badalka wax wareejiya u arkaan laamaha wax sahmiya ayna u amran inay inay tilaabo ka qaadaan laamaha ammaanka ee magaalooyinka Puntland.

Dadka u dhashan wadanka Itoobiya ee kusoo qul-qulaya deegaanada Puntland ayaa intooda badan ku shaqaysta nidaam ka duwan dadka kale ee ka yimaada deegaanada Koonfurta Soomaaliya, waxay wareejiyeen maacuun laga keenay Itoobiya iyagoo dadka kaga badasha dharka ragga ee duugoobey.

Nidaamka Badal-badal ayay dadku u arkaan inay tahay mid basaas ah oo dowladda Itoobiya ka danbeyso, halka qaarkood dadka shacabka ahi aamin san yihiin inay yihiin ragga badal badalka saraakiil Itoobiyaan ah.

PUNTLAND POST