Cabdiweli Maxamuud Guray oo wax laga xumaato ku tilmaamey qaraxii Gaalkacyo ka dhacay

Cabdiweli Maxamuud Guray
Cabdiweli Maxamuud Guray

London(Puntland Post) Siyaasi Cabdiweli Maxamuud Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ee ku nool waddanka Ingiriiska ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin qaraxii is-miidaaminta ee Gaalkacyo ka dhacay, hadalka kasoo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Muqdisho iyo nidaaamka 4.5 oo ay Puntland diiday.

Marka hore waxa uu sheegay inuu ka xun yahay is-qarxintii miidaaminta ee maanta Gaalkacyo lagula eegtay Xisaabiyihii wasaradda maaliyada ee Gobalka Mudug AUN,Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) wuxuu sheegay inuu tacsi u diraya dhammaan dadkii qaraxaasi ku dhintey, Gaadayare ayuu sheegay inuu ixtiraam ku dhex lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Guray, waxa uu shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimadooda dagaalka lagula jiro Al-Shabab-na hal meel looga soo wada jeesto, wuxuuna sheegay inay waajib tahay nabadgalyada in la wada adkeeyo.

Dhinaca kale Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalada dhowaan kasoo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Muqdisho oo warbaahinta ka sheegay in Muqdisho dad gaar ah lee yihiin inta kalena ay marti ku tahay wuxuu arrintaasi ku tilmaamay mid laga naxo ayna noqotay mid guud ahaan dalka iyo dibadda laga hadal hayo, Odayaasha hadlay ayuu sheegay in laga filayay inay u qareemaan hantida shacabka looga haysto Muqdisho balse ay ayaan daro tahay waxa kasoo yeeray.

Cabdiweli Maxamuud waxa kale uu waraysiga kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan hanaanka doorashada iyo diid-mada Puntland 4.5, wuxuu sheegay inay la qabaan madaxda Puntland inaan la qaadan nidaamkaasi oo horay looga wada heshiiyay.

Hadalka Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa kusoo aadaya xilli wafdiga Ra’iisul Wasaaraha uu maalinkii lixaad ku sugan yahay magalada Garowe isla markasna wax natiijo ah uusan kasoo bixin wada-hadalka DFS iyo Puntland.