Dal-xiisayaal ku qul qulaya xarunta Biyo Kulule ee Bosaso

Bosaso-(Puntlandpost) Dalxiisayaal Soomaali ah ayaa maalmihii ugu danbeeyay kusii qul-qulayey xarunta dalxiis iyo caafimaadka Biyo kulule oo qiyaastii magalada u jirta 15-KM.

Puntland TV ayaa war bixintan ka diyaarisey, iyadoona dadka ka hadlaya goobtan ay ku tilmaameen inay tahay xarun aad iyo aad ugu wanagsan dalxiiska, sidoo kale waxay lee dahay meel biyaha diirimaadka leh iskugu yimaadaan halkaasoo dadku galaan, waxayna sida dadka hadlaya sheegeen inay daawo u tahay lafo xanuunka iyo xanuunada jirka ku dhaca.

Mudo ka badan 80-sano ayay xaruntan dhisan tahay waxayna ka mid tahay goobaha dowladda balse wixii ka danbeeyay bu burkii dalka, waxaa gacanta ku hayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo xafidey.

Puntlandpost.com