Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ee xarunta Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen 5 Caruur ah.
5 Caruurta ah ayaa ku dhintay miino ay ku ciyaarayeen oo la qaraxday sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.
Falkaan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kanyeri oo u dhow Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Booliska Kenya oo goobtaasi gaaray ayaa ku waramaya in miinadaasi ay tahay miino mar hore meesha lagu aasay.
Caruurta dhimatay waxaa u weyn wiil 15-Sano jir ah sida ay sheegeen Booliska.
Woqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo ay geeystaan Al-Shabaab.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post