Daawo: Xoghayihii hore degmada Garowe oo sheegay in Xassan Goodir la baado.

Xoghayihii hore dowladda Hoose ee degmada Garoowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Axmed oo Maanta xilka wareejay ayaa sheegay in xildhibaannada Golaha degaanka caasimadda Garoowe ay baad  joogtaa ka qaadaan duqa degmada xassan Maxammed Ciise Goodir.

Cabdiqafaar oo hadal ka jeediyey munaasabadda xilwareejinta ayaa duqa Garoowe ku tilmaamay”nin dhufays ku jira oo mar walba loo shirayo oo marwalba la leeyahay haddaanad baad bixin xilkaad waayeysaa”.

Wuxuu sheegay in duqa caasimadda  xassan Maxammed Ciise ay haysato nasiib-darro weyn iyo caqabad uu kala kulmayo Xildhibaannada Golaha degaanka degmada,kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay baad joogta ah ka qaadaan.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST