Somtel Puntland (Bulsho Koriso)
Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL ayaa ka mid noqotay shirkadaha loogu isticmaalka badan yahay Dalka Soomaaliya, Shirkaddan oo mudo aan fogeyn adeegeeda Isgaarsiineed ka bilowday degaanada Puntland ayaa la soo baxday qaab ka duwan shirkadihii horey uga jirey Dalka, Iyadoo si degdeg ah u kasbatay Malaayiin ku nool Gobaladda Puntland.
SOMTEL oo si buuxda ula wareegtay suuqa Internetka Guud ahaan Puntland
Ka hor Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL, Way adkayd inaad Puntland ka heshid adeeg wanaagsan oo Internet, waxaa aad u taya liitay adeega Internetka ee laga heli jirey Puntland waxaana aad u yaraa Dadka Isticmaala adeegan casriga ah ee Aduunka oo dhan ka dhigay hal Tuulo. Kadib imaanshihii SOMTEL waxaa si degdeg ah isku badelay tayadii Internetka, waxayna shirkadda SOMTEL keentay adeeg Internet oo aad u xawaara sareeya kana mid ah kuwa ugu casrisan aduunka, Si lamid ah isbadelka Internetka waxaa sara u kacay Dadka Isticmaala adeegan .
SOMTEL ma faaiido doon Mise Bulsho u danayso?
Dr Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo ah maareeyaha Guud ee Shirkadda SOMTEL Puntland mar uu Warbaahinta Puntland kula hadlaayey xafiiskiisa Magaalada Garowe wuxuu shirkadan ku micneeyey Bulsho koriso ee aysan ahayn mid eegata uun jeebka dadweynaha. Isagoo taasna Tusaale uga dhigay sida ay shirkadani si degdeg ah ugu kasbatay quluubta umadda Soomaaliyeed, Dr Sayid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay SOMTEL Si joogto ah ugu saami celiso macaamisheeda iyadoo ku abaal marisa wax muuqda sida Baabuur, Mobilo, Laabtoobyo iyo wax yaaba kale oo aad u casri ah.
Adeegyada aan horay uga Jirin Puntland ee ay soo kordhisay SOMTEL
GSM( Prepaid, Postpaid)
Waxyaabaha kale ee Shirkadu soo kordhisay waxaa ka mid ah kaararka Prepiadka, iyo Post Paidka oo 50% lagaa dhimayo, Tusaale hadaad Bisha isticmaashid $100 Dollar waxaad bixinaysa $50 Dollar kaliya, kaasoo meeshaad doonto oo caalamka ah aad ku wici karto lagagana soo wici karo, si lamid ah hadii aad $2 Dollar ku subatid adeega Prepaidka Mobilekaga waxaad helaysaa 50 daqiiqo dheeri ah, Halka hadii aad $3 Dollar ku shubatidna aad helaysid 100 daqiiqo oo dheeri ah.
eDahab
Adeega E-Dahab Waa adeeg Casri ah oo aad Mobilkaga lacagtada ku shuban kartid, lagugu soo shubi karo, sidoo kalena isaga bixin karto, iskuulka ama jaamacada, guriga kiradiisa, korontada, Biyaha IWM, Xitaa waxaad lacag u diri kartaa dalka dibadiisa, waana lagaaga soo diri karaa, Iyadoo aysan wax khidmad ah kaa go’ayn.
VoIP ( Ila Soo Hadal)
Adeega Voib oo ah isna adeeg dalka dibadiisa lagaa soo wici karo, iyadoo qofka kusoo wacayo wax khidmad ah aysan ka go’eyn.
4G.
Adeega 4G oo ah mucjisada sanadka ayay shirkada Somtel u keentay macaamiisheeda, taas oo si wayn loogu baahi baxay. Internet kii ugu xawaare sareeyay caalamka weeye adeeg 4G. Runtii waa farxad aad u wayn oo la sugaayay in ay mar uun helaan bulshada reer Puntland.
Tebiye iyo Danan
Waxaa intaas dheer adeega tabiye oo aad ku ogaan kartid wicitaanadii ku seegay inta telefoonkaagu dansanaa ama uu hawada ka maqnaa. Adeega Danan oo aad mobilka ku xiran karto codadka aad doonto, Sida Naashiidooyinka, gabayada, guurowga iyo wax kasta oo aad jeceshahay.
Facebook bilaa Internet:
Waa mid ka mid ah wax yaabaha aadka u soo jiitay macaamiisha Somtel, Internet hayso, miyi iyo magaalo meeshaad rabto joog waxay somtel ku xirtay macaamiisheeda dunida inteeda kale ama shabakadda loo yaqaab Facebook oo qofku si joogto ah fariimaha uga hili karaa ama ku diri karaa asaga oo mobile kiisa kaga jira, shirkada Somtel hal ku dhigeedo waa “ LA WADAAG ADUUNKA”.
Internet
Hay’adaha Dawliga ah, Kuwa Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah oo xafiisyadooda ku xirtay adeega Internet ee SOMTEL Waxayna si aada ugu amaaneen inay kaga nasteen adeegii Internet ee aadka u qaaliga ah oo laga keeni jirey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Waxayna tilmaameen in adeega Internet ee ay bixiso Shirkadda SOMTEL uu kamid yahay kuwa ugu casrisanaa aduunka, Hay’adaha bogaadiyey adeega Internet ee Shirkadda SOMTEL waxaa ka mid ah Shirkadaha dhisaaya Garoomadda diyaaradaha Bosaaso iyo Garowe. Adeega Xawaarihiisu dheereeyo ee High Speed Internet ayaa sidoo kale suura geliyey inay kor u kacdo Waxbarashadda Puntland iyadoo Dadweynuhu si fudud wax uga baran karaan Jaamacado ku yaal Aduunka oo dhan si Online ah.
TV-yada Soomaalida iyo kuwa Caalamiga ah ayaa bilaabay inay Xafiisyo waaweyn ka furtaan Gudaha Puntland markii uu soo kordhay Iternetka xawaarihiisu dheereeyo ee Shirkadda SOMTEL iyagoo si Toos ah u tebiya wararka iyo Barnaamijyada taas oo horay aad u adkayd, Barmaajiyadii ugu danbeeyey ee Shirkadda SOMTEL fududaysay in si toos ah looga tabiyo markii ugu horaysay Puntland waxaa ka mid ah, La xisaabtankii Xukuumada Puntland, Furitaankii Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Bosaaso iyo Munaasabadii sanad guurada 2-aad ee xukuumadda Puntland.
Shirkadda SOMTEL Puntland waxay soo wadaan adeegyo kale oo ku cusub dhegaha umadda reer Puntland, isla markaana ay ku farxi doonaan Bulshadu.
Isku soo wada duubo, Sanado badan oo ay Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland ay ku jireen adeeg xumo isgaarsiineed ayna ku heli jireen qiime aad u qaali ah, waxaa muuqata inay maanta heleen Xoriyad isgaarsiineed oo aad u qiiima jaban, Iyadoo Shirkadda SOMTEL ay umuuqato inay noqotay shirkadda 1-aad ee Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya” Halka ku dhiga SOMTEL waa Xoriyadii waa Timi” Freedom has Come
HADAL OO HEL
Shirkadu waxay ku Abaalmarisaa dadka ku guuleystay barnaamijka Hadal oo Hel qaab computerized ah ayada oo dhamaan numbers kii ku shubtay lacagta ku hadalka uu dhex mari doono.waxaana inta qof ee nasiibka u yeelata abaalmarintana Lagu gudoonsiinayaa Munaasabad ballaran oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiinta shirkada Somtel kuwa dawlada, Aqoon yahay, Ganacsato iyo cuqaal.
Qaar kamid ah bulshada ku guuleystay adeegaas oo aan wax ka weydiinay sida ay u arkaan waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin abaalmarinta ay ku guuleysteen, iyagoo shirkada somtelna uga mahadceliyey Abaalmarintaas cadaalada ku saleysan.waxayna intaasi ku dareen in abaalmarinadii la gudoonsiiyey ay wax badan oo faa’ido ah utartay Iyagoo ugu baaqay Masuuliyiinta Shirkada inaysan marnaba hakin adeegaas oo ay sii wadaan.
You must be logged in to post a comment.