Xayaysiis Qandaraas Maalgalin iyo Daabacaad Buugta Manhajka Dugsiyada Puntland

This listing has expired.
  • Garowe
  • Applications have closed

Wasaaraadda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Ref: WWTS/225/2021                                                                                                                   Date: 22/07/2021

Ku: Dhammaan Shirkadaha Ganacsiga Puntland ee danaynaya Qandaraaskaan

Ujeedo: Xayaysiis Qandaraas Maalgalin iyo Daabacaad Manhajka Puntland

  1. Horudhac:

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Puntland iyadoo ka Duulaysa siyaasadda hannaanka wax-wadaagga Dowladda iyo shacabaka -Public Private Partnership (PPP) ee Dowladda Puntland. Ujeedka laga leeyahay hannaankan ay tahay in fursad la siiyo ka qaybgalka ganacsiyada gaarka ah ee bixinta adeegyada dowladda, dhiirigelinta wax soosaarka gudaha, iyo In la dhiirigeliyo hal abuurka iyadoo loo marayo tayo iyo tashiil.

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Puntland ka dib markii ay aragtay baahida loo qabo in ganacsatada Puntland ay maalgaliso daabacaadda buugta Manhajka Puntland, si ardayda Puntland ay u helaan buug tayo leh oo qiimo jaban.

Waxay wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland ku casumaysaa shirkadaha iyo Ganacsatada Puntland in ay ka soo qaybgalaan tartanka qandaraaska maalgalinta iyo daabicidda manhajka waxbarashada Puntland. Shirkadaha danaynaya fursaddan waxay soo qoranayaan arji ay ku sharaxayaan codsigooda qanadaraaskan .

Sharkaddii ku guulaysta qanadaraaskan waxaa lasiinayaa qanadaraas muddo dheer ah oo ay ku maalgalinayso kuna daabacayso manhajka Puntland.

Xuquuqda buugta mahajka waxaa iska leh wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland, waxayna hubinaysaa wasaaraddu tayada buugta iyo in qiimo jaban ardayda loogu keeno Buugta manhajka.

  1. Masuuliyadda shirkadda laga rabo
  • Shirkaddu waxay ka masuul tahay maalgalinta iyo Daabacaadda manjka Puntland.
  • shirkadda waxay sii hagaajin naqshadda buugta manhajka sida ugu habboon hadii loo baahdo.
  • waqtiga daabicida Buugta manhajka ay shirkaddu haysato waxaa lagu qeexi doonaa heshiiska guud ee shirkadda guulayasta iyo Wasaaraddu ay wada galayaan.
  • shirkadda waxay soo gudbin buug tijaabo ah marka hore intaan lawada daabicin buugta si loo hubiyo tayada buugta in ay waafaqsantahay sidii larabay.
  • Shirkadda ayaa bixinaysa Kharashka Maalgalinta Daabicidda Buugt, Daabulista iyo keenista buugta.
  • Shirkadda ayaa masuul ka ah iibinta iyo qaybinta buugta.
  1. Masuuliyadaha Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Puntland:
  • Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxay masuul katahay qoridda iyo naqshadaynta Buugta Manhajka.
  • Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxay shirkadda guulaysata ku soo wareejinaysaa xogta manhajka ee lasoo daabacayo.
  • Si xogta manhajka loo xifdiyo Wasaaradda cidkale uma dhiibayso xogta manhajka aan ka ahayn shirkadda ku guulaysta qandaraaska.
  • Tirada iyo tayada buug kasta laga daabacyo waxaa qoraal ku soogudbinaysa Wasaaradda Waxbarashda Puntland.
  • qiimaha buugta ardayga laga gadayo waxaa wada dajinaya Wasaaradda iyo shirkadda qanadaraaska ku guulaysata.
  1. Faahfaahinta Qandaraaska

Warqada oo dhameystiran halkan kala deg