Shaqo maamule oo ka banaan Qarni Auto Repair- Garowe

This listing has expired.

Qarni Auto Repair

Shirkadda farsamadda gawaarida  ee Qarni Auto Repair waa shirkad farsamo heer caalami ah u cilad bixisa baabuurta noocyadooda kala duwan, waxa ayna saldhig ka samaysatay magaalada Garowe  ee  caasimadda Puntland.

Shirkadda waxa ka banaan fursad shaqo oo ah maamule.

Shaqadda uu qabanayo shaqsigu waa  sidan:

  • Maamulidda shirkadda howlaheeda maalinlaha ah.
  • Waxa uu la shaqayn doonaa Engineeradda iyo Farsamo yaqaanada kale ee Ajnebiga ah, sidaa daraadeed waa in uu si fiican ugu hadli karo una qori karo luuqadda Carabiga.
  • Waa in uu aqoon u leeyahay isticmaalka Computerka, iyadoo computer-ka lagu xeraynayo howlaha maalinlaha ah ee shirkadda.
  • Waa in uu u qaban karo howlaha xiriirka macaamiisha loo adeegayo iyo farsamo-yaqaanadda sida in uu u macnayn karo ciladda jirta ee gaariga markaas laga qabanayo.

Wakhtigu shaqadu waa 7:30am – ilaa 6:00 pm ; xiliga qaddadu waa 12:30pm -1:30pm ka bacdi waa lagu noqonaya shaqadda ilaa 6:00pm

Shaqadu waxay dhacaysaa taariikhdu markay tahay 20 April, 2019. Saacaduna tahay 4:00 galabnimo.

Sida lagu soo dalban karo shaqada

Hadaad qofkaas tahay hawshaas ka bixi kara fadlan nagala soo xiriir Email kaan qarniautoworkshop@gmail.com & Tell Numberkaan 00252907897766

Halkan kala deg document-ga oo PDF ah