Shaqo bannaan: Maamule (General Manager)

This listing has expired.
  • Bosaso
  • Applications have closed

Dalkaab General Trading Co.

May-19-2022

Email: dalkab22@gmail.com

Tel:+252907506005

GOOBTA SHAQADA: Bosaso, Puntland, Somalia

CIWAANKA SHAQADA: Maamule (General Manager)

SHAQADA LAGA RABO IYO MASUULIYAADKA:

Shaqsigaan waxaa larabaa in uu noqdo Maamulka ugu sareeya fulinta shirkadda. Masuuliyaadkiisa waxaa ka mid ah qodobadaan hoose iyo wax kasii badan:

  • In uu maamulo Shirkadda gabi ahaanba, Wuxuu masuul kayahay dhamaan hawl socod siinta iyo habsami usocodka Shaqada iyo Shaqaalaha shirkadda.
  • Wuxuu masuul kayahay in uu hubiyo in lagu dhaqmay lana raacay hanaankii siyaasada Shirkadda udaganaa.
  • In uu dajiyo maaliyada sanadlaha ah islamarkaasna xisaabta xiro.
  • In uu diyaarsho warbixinada iyo qorshaha shirkadda (plan & Reports) lana wadaago Maamulka sare
  • In uu gaarsiiyo Shirkadda qorshihii istiraateejiyadeed ee loo dajiyay iyo horumarineed.

WAXBARASHO(EDUCATION):

Waxaa laga rabaa shahaadada “Bachelor of Business Administration” iyo shahaadada “Master of Business Administration (MBA)”ama wax udhigma, Waana in uu xirfad maamul ee ganacsi leeyaha.

KHIBRAD (EXPERIENCE):

  • Khibrad maamul ee ganacsi waa Khasab.
  • Uguyaraan 4-5 sano oo khibrad ah gaar ahaan maamulid Shirkad wayn waa Khasab.
  • In uu soo maamulay shirkad aan dhaqaaleheedu ka yarayn $5 Million waa Khasab.

XIRFADAHA KALE (other skills):

  • Aalada-Tignoolajiyada – Aqoont sare uleh sida isticmaalka kombuyuutar-ka gaar ahaan MS Word, MS Excel, MS Outlook, PPT iyo Internet-ka,
  • Certificates kale ee shaqooyinka Maamulka iyo xisaabaadka waa fiicnaan lahayd

LUUQADAHA (LANGUAGES):

Somaliagu waa in uu yahay luuqadiisa hooyo, English-kuna waa in uu heerka ugusareeya uyaqaan, labadaas waa Khasab, luuqado kale hadduu yaqaan waa wax fiican.

Meesha lagala xariirayo ama Dalabka lagu dirayo:

Tel:+252907506005

Email: dalkab22@gmail.com