EWC 2020: Waa u furan yahay dhammaan hal-abuurada Ganacsi ee Soomaaliya jooga

This listing has expired.
  • Somalia
  • Applications have closed

Shaqodoon Organisation

Koobkii hal-abuurka ganancsiga ee caalamka (Entrepreneurship World Cup) waa uu furan yahay, waxaana la qabanayaa codsiyada, iyada oo sanadkaan la rabo in la qabto in ka badan 102,000 ee codsi (tirada sanadkii hore ka qayb-galay), Barnaamijkaanu  waxa uu ku siinayaa fursad aad ku tartami kartid heer caalami, aadna qayb ka helaysid 1 million oo dollar oo abaalmarin ah iyo fursado dheeri ah oo maalgalineed oo ka badan $75 million.

Shaqodoon Organisation waa abaabulaha rasmiga ee tartanka Soomaaliya, iyadoo ka caawinaysa Hal-abuurada ganacsiga inay bilaabaan oo ay kor u qaadaan ganacsigooda.

EWC ma ahan oo kaliya tartan lagu guulaysaanayo abaalmarinno malaayiin dollar ah, balse waxa uu kor u qaadaa dhammaan dadka leh hal-abuurada ganacsiga heerkasta oo ay joogaan heer fikrad, bilaw ilaa heer ganacsi koraya, iyadoo siinaysa qaabka iyo resource ay ku koriyaan ganacsigooda.

EWC accelerate waa tababar iyo hagid lagu qaadanayo qaab online ah kaasoo ka caawinaya ganacsatada inay kor u qaadaan xirfadahooda ganacsi ayna siyaadiyaan fursadaha ay ku guulaysan karaan tartamada wadamadooda, iyo sidoo kale tartanka caalamiga ah.

Tartammada heer qaran waxaa la qabtaa bisha June, Tartanka caalamiga ah waxaa la qorsheeyay bisha October 2020 magaalada Riyadh ee Saudi Arabia. Si aad wax badan uga ogaatid tartanka caalamka ee hal-abuurka ganacsi fadlan booqo

https://entrepreneurshipworldcup.com/

Marxaladaha uu tartanku marayo

  1. Marxalada isdiiwaangalinta oo ah laga bilaabo bisha February ilaa June
  2. Marxaladda accelerate-ka, waa casharo qaab online ku baxaya oo uu qofka isdiiwaangaliya uu ka baranayo website-ka ama degelka entrepreneurshipworldcup.com
  3. Tartanka hal-abuurka ganacsi ee wadammada waxa uu dhacayaa bisha June ilaa horraanta bisha July
  4. Accelerate 2 waa lix todobbaad oo isugu jira casharo iyo la talin oo loogu diyaarinayao ganacsadaha ku guulaystay tartanka qaran si uu isugu diyaariyo tartanka caalamiga ah ee ka dhacaya Riyadh
  5. Tartanka caalamiga ah oo ka dhacaya magaalada Riyadh bisha Obtober.

Faa’iidooyinka ka qayb qaadashada tartanka caalamiga ah ee Hal-abuurka ganacsi

  • Marka uu soo codsado ka qayb-qaatuhu wuxuu helayaa casharo uu kor ugu qaadayo xirfadihiisa ganacsi kuwaas oo uu qaab online ku baranayo
  • Guulaystaha tartanku waxa uu ka qayb-galayaa tartan Caalami ah kaasoo ay isugu imaan doonaan shirkadaha ugu waaweyn ee aduunka sameeya maalgashiga
  • Waxa uu heli doonaa isku xir iyo xiriir uu la yeesho ganacsato iyo shirkado caalami ah kuwaasoo ka saacidi doona kor u qaadidiisa ganacsi xag talo iyo xag maalgashiba ba
  • Shanta shirkadood oo ugu saraysa waxa ay heli doonaan abaal-marin ilaa $1 MIILION oo dollar ah
  • 40-ka shirkadood ee soo gala short-list ga waxa ay heli doonaan mid kiiba $50,000 oo Dollar.
  • Ka qayb-qaataha tartanka ganacsi ee caalamiga ahi waxa uu fursad u haystaa inuu qayb ka helo ilaa $75 million (in-kind) taageero ah oo isugu jirta adeeg iyo badeeco.

Yaa ka qayb qaadan kara tartanka?

  • Tartanku waxa uu u furan yahay si xor ah cid kasta oo hal-abuur ganacsi leh (fikrad, bilow iyo ganacsi koraya intaba)
  • Codsaduha ganacsigiisu/fikradiisa ganacsi waa in uu diiwaangashan yahay  ama uu qorshaynayo inuu diiwaan galiyo ganacsigiisa
  • Codsadaha ganacsigiisu waa inuu ka yar yahay 7 sanno xilliga la qabanayo tartanka caalamiga ah (October 2020)
  • Shantii [5] shirkadood ee ugu sarraysay sanadkii hore kama qayb noqon karaan tartanka sanadkaan.
  • Shaqaalaha abaabulaha tartanka ee wadanka, shirkadaha ay xiriirka dhaw leeyihiin, faracyadiisa, macaasmishiisa iyo qoyskiisa kama qayb-gali karaan tartanka.

Ganacsigaagu ma leeyahay hal-abuur wanaagsan oo ka tartami kara heer caalami ah? ka codso si aad  u tartantid #entrepreneurshipWorldCup

Halkaan ka codso  https://signup.entrepreneurshipworldcup.com/ewc/signup

Application Deadline

Qabashada kama dambaysta ah ee tartanku waa 3 bisha July 2020.