Dib u baahin Shaqo: Hantidhowraha Gudaha (Internal Auditor)

This listing has expired.
  • Garowe
  • Applications have closed

DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAROWE

                                   Dib u baahin Shaqo

Jagada:                      Hantidhowraha Gudaha (Internal Auditor)

U warbixinaya:        Guddoomiyaha Dowladda Hoose
Khibradda:               7 + Sano shaqo la xiriirta Xisaabaadka, Maaliyadda iyo Hantidhowrka
Heerka waxbarasho: Shahaadada kawaad ee jaaamacadeed

Hordhac

Dowladda Hoose ee Garowe waxay ku dhisantahay dastuurka dowladda Puntland. Waxayna ku shaqaysaa xeerka maamulka gobolada, degmooyinka iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dawladda Puntland.

Dowladda Hoose ee Garowe waxay masuul ka tahay siinta adeegyada loo igmaday ee dadka ku dhaqan deegaanka xuduudeeda ah, adegyadaas oo ay jaangooyeen golaha deegaanka ama ka yimid dowladda dhexe ee Puntland.

Waxaa kamid ah kuwa ugu waaweyn qorshaynta iyo naqshadaynta magaalada, arimaha bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka asaasiga ah, Howlaha guud, ilaalinta deegaanka waxaa sidoo kale soo raaca hormarinta iyo dhiirigalinta beeraha, xoolaha, ganacsiga, warshadaha, dalxiiska iyo duurjoogta, iyo adeegyada kale ee bulshada.

Ujeedka Shaqada

Sargaalkaan wuxuu noqonayaa Hanti-dhowraha gudaha (Internal Auditor) ee dowladda hoose ee Garowe.

JAANGOYNTA IYO QEEXIDA SHAQO

1.  Hanti-dhawraha Gudaha waa Hanti-dhawrka gudaha ee dowladda hoose ee Garoowe wuxuuna leeyahey masuuliyadda iyo awood uu ku guto kuna qabto baaris xisaabeed, baaris wax qabad iyo baaris in nidaamka iyo habraacyada la raacay (financial, compliance, and performance audits).

2. Hantidhowraha gudaha ee dowladda hoose wuxuu baarayaa habsami u shaqaynta iyo awoodda dabargudeedyada (Internal Control system).

3.  Hanti dhowraha gudaha waxa uu hubinayaa, qabanayaa, kana hortagayaa khaladaadka iyo xatooyooyinka (Errors and Frauds)

4.  Marka uu gudanayo baaristiisa/teeda, Hanti-dhawraha gudaha wuxuu hubinayaa: –

a.  In diiwaanada xisaabta si daacad ah oo nidaamsan loo isticmaalay;

b.  In shuruucda, nidaamyada iyo dabar gudeedyadu (nidaamka hubinta guduhu) ay ku filan yihiin in ay horseedaan ilaalin wax ku ool ah oo qiimeeyn leh.

c.  Dhammaan lacagaha la kharashgareeyey ee lagu dalacay xisaabta qoondada in loo isticmaaley ujeedadeedii ama ujeedooyinkii uu Golaha Deegaanku ku ansixiyay iyada oo fiiro loo lahaa hubinta dabar gudeed (nidaam hubin gudeed) oo wax ku ool ah.

d.  Dabar gudeedyada (nidaamka hubinta gudaha), xeer nidaamiyayaasha, nidaamyada la sameeyey ee la raacay in ay ku filan yihiin in si ku filan loo badbaadsho ilaalinta bakhaarada iyo hantida kale ee dawladda hoose leedahay.

5.  Marka uu fulinayo baarista wax qabad ama baarista in lacagta loo isticmaalay sida ugu saxsaxsan, (value for-money audits) Hanti-dhawrahaa Gudaha waxa, uu eegi doonaa illaa iyo xadka dowladda hoose ay lexe-jeclo khayraadkeedii u adeegsatay isla markaana ay ku wado hawlaheedai si dhaqaale leh, hufan oo wax ku ool ah (economically, efficiently, and affectively).

6.  Waxuu talo ku soo jeedinayaa siyaabaha loo hormarinkaro hababka, dabar-gudeedyada iyo habraacyada dowladda hoose

7.  Wuxuu dabagal iyo baaritaan madax banaan ku samaynayaa dhamaan mashaariicda ka socda Degmada.

8.  Si joogta ah ayuu dib u fiirin ugu samaynayaa dakhliga iyo kharashaadka dowladda hoose

Waxyaabaha laga rabo

  • Shahaadada koowaad ee jaamacadda ee Xisaabaadka, Maaliyadda, Maaraynta Ganacsiga, Hanti-dhowrka I.W.M
  • Ugu yaraan 7 sano iyo kabadan oo la xariirta hantidhowrka iyo xisabaadka I.W.M
  • Inuu si fiican u qorikaro/ akhrinkaro/ugu hadli karo Af-soomaaliga iyo Englishka.
  • Inuu aqoon fiican u leeyahay Kumbuyuutarka kuna shaqaynkaro dhamaan culuumta kombuyuutarka ee shaqada la xiriirta.

Soo gudbinta Araajida

Qofka buuxiyey sharuudahan shaqo wuxuu kusoo diri karaa CV-giisa oo wata ugu yaraab saddex qof oo tixraac ah (references), codsigiisa iyo araajidiisaa shaqo cinwaanka hr.garowemunicipality@gmail.com ama arjiga oo daabacan ayuu wuxuu keenikarayaa xafiiska xoghaynta guddoomiyaha Dowladda Hoose ee Garoowe ugu danabayn 12/12/2019(12:00 PM- duhurnimo) .

Waxaa lala soo xariiri doonaa cidda kusoo baxda liiska gaaban (short list).