Dib u baahin Shaqo: Agaasimaha Waaxda Howlaha Guud iyo Dhulka

This listing has expired.
  • Garowe
  • Applications have closed

DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAROWE

                                   Dib u baahin Shaqo

Jagada:                                  Agaasimaha Waaxda Howlaha Guud iyo Dhulka

U warbixinaya:                    Xoghaya Dowladda Hoose
Khibradda:                           7 + Sano shaqo la xiriirta Injineeriyo
Heerka waxbarasho:          Shahaadada kawaad ee jaaamacadeed

Hordhac

Dowladda Hoose ee Garowe waxay ku dhisantahay dastuurka dowladda Puntland. Waxayna ku shaqaysaa xeerka maamulka gobolada, degmooyinka iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dawladda Puntland.

Dowladda Hoose ee Garowe waxay masuul ka tahay siinta adeegyada loo igmaday ee dadka ku dhaqan deegaanka  xuduudeeda ah, adegyadaas oo ay jaangooyeen golaha deegaanka ama ka yimid dowladda dhexe ee Puntland.

Waxaa kamid ah kuwa ugu waaweyn qorshaynta iyo naqshadaynta magaalada, arimaha bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka asaasiga ah, Howlaha guud, ilaalinta deegaanka waxaa sidoo kale soo raaca hormarinta iyo dhiirigalinta beeraha, xoolaha, ganacsiga, warshadaha, dalxiiska iyo duurjoogta, iyo adeegyada kale ee bulshada.

Ujeedka Shaqada

Sargaalkaan wuxuu noqonayaa agaasimaha waaxda hawlaha guud iyo dhulka ee dowladda hoose ee Garowe.

JAANGOYNTA IYO QEEXIDA SHAQO

  1. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay hirgelinta mashaariicda injineeriyada iyo dhismayaasha.
  2. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay dayactirka Dhismayaasha D/Hoose ee Degmada.
  3. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay soo gudbinta baahidda gaadiid cusub, dayactirka iyo xanaanaynta jidadka, beeraha nasashada, garoomada iyo fagaarayaasha caanka ah.
  4. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay soo diyaarinta qorshe maalmeedka shidaalka, Saliidaha iyo xayraha gaadiidka, matoorada iyo taayirada ay qalabka culusi u baahan yihiin.
  5. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay maamulka hoosooyinka, geerashyada iyo qalabayntooda.
  6. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay ku dhaqanka qorshaha iyo jaangooynta dhulka.
  7. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dhulka.
  8. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay diiwaangelinta oggolaanshaha lahaanshaha dhulka, mulkiyadaha, dhismayaasha ma guurtada ah ee dadweynaha, arrimaha dhul bixinta iyo kormeerka dhulka.
  9. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay ilaalinta, daryeelka, qorsheynta iyo jaangoynta dhulka danta guud.
  10. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay jaangoynta iyo gacan ku haynta, dayactirka dhismayaasha Degmada, Xannaanaynta jidadka, goobaha nasashada, garoomada, Dugsiyada, rugaha caafimaadka, rugaha kawaanada iyo astaamada Gaadiidka I.W.M.
  11. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay kala saaridda iyo xallinta khilaafaadka ka yimaadda farsamada Dhulka.
  12. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay qorshaynta iyo isku dheelitirka basaska, tagaasidda, iskarogooyinka, bajaajyada iyo gaadiidka xammuulka dadweynaha, saldhigyadooda, iyo dadka maritaankooda iyo calaamadaha la xiriira.
  13. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay samaynta iyo diyaarinta calaamadaha la xiriira nabadgelyadda wadooyinka iyo muujintooda.
  14. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay habaynta iyo dejinta calaamadaha ganacsiga iyo xayaysiinta (Commercial Sign Boards).
  15. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay samaynta, diyaarinta iyo rakibaadda tiirarka layrka waddooyinka, aargooyinka, xarumaha nasashada, goobaha dabaaldegyada iyo munaasibadaha.
  16. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay hubinta, farsamadda, badbaadada qalabka korontoda, Telfoonada, shidaalka iyo ka hortagga khatarta dabka.
  17. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay habaynta iyo kala duwidda bulaacadaha, biyo mareenada, dhuumaha biyaha iyo adeegyada mara dhulka hoostiisa iyo oogadiisaba.
  18. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay keydinta mulkiyadaha iyo dhokomantiga la xiriira dhul bixinta iyo diiwaangalintooda.
  19. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay hubinta, iswaafajinta naqshada iyo qaabka dhul bixinta.
  20. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay sameynta , ilaalinta iyo hubinta Jidadka, wadooyinka, Sakadaha, iyo lambarintooda.
  21. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay tirakoobka, diiwaangalinta iyo lambarinta dhismayaasha dadweynaha iyo dawladda.
  22. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay astaynta iyo tilmaamidda goobaha danta guud.
  23. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay dib u habeynta naqshadaha dhismaha iyo jaangoynta cabirka dhulka
  24. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay dejinta iyo sameynta qorshaha hor’umarinta naqshadda degmada.
  25. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay dab Demiska, qurxinta iyo bilicsamida degmada.

Waxyaabaha laga rabo

  • Shahaadada kawaad ee jaamacadda ee Injineeriya, qorshaynta magaalooyinka(Urban planning).
  • Ugu yaraan 7 sano iyo kabadan oo la xariirta injineeriya ama qorshaynta magaalooyinka.
  • Inuu si fiican u qorikaro/ akhrinkaro/ugu hadli karo Af-soomaaliga iyo Englishka.
  • Inuu aqoon fiican uleeyahay Kumbuyuutarka kuna shaqaynkaro dhamaan culuumta kombuyuutarka ee shaqada la xiriirta.

Soo gudbinta Araajida

Qofka buuxiyey sharuudahan shaqo wuxuu kusoo diri karaa CV-giisa oo wata ugu yaraab saddex qof oo tixraac ah (references), codsigiisa iyo araajidiisaa shaqo cinwaanka hr.garowemunicipality@gmail.com  ama arjiga oo daabacan ayuu wuxuu keenikarayaa xafiiska xoghaynta guddoomiyaha Dowladda Hoose ee Garoowe ugu danabayn 12/11/2019(12:00 PM- duhurnimo).

Waxaa lala soo xariiri doonaa cidda kusoo baxda liiska gaaban (short list).