Dib u baahin Shaqo: Agaasimaha Waaxda Dakhliga iyo Canshuuraha

This listing has expired.
  • Garowe
  • Applications have closed

DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAROWE

                                    Dib u baahin Shaqo

Jagada:                                  Agaasimaha Waaxda Dakhliga iyo Canshuuraha

U warbixinaya:                    Xoghaya Dowladda Hoose
Khibradda:                           7 + Sano shaqo la xiriirta xisaabaadka iyo maaliyadda
Heerka waxbarasho:          Shahaadada kawaad ee jaaamacadeed

Hordhac

Dowladda Hoose ee Garowe waxay ku dhisantahay dastuurka dowladda Puntland. Waxayna ku shaqaysaa xeerka maamulka gobolada, degmooyinka iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dawladda Puntland.

Dowladda Hoose ee Garowe waxay masuul ka tahay siinta adeegyada loo igmaday ee dadka ku dhaqan deegaanka  xuduudeeda ah, adegyadaas oo ay jaangooyeen golaha deegaanka ama ka yimid dowladda dhexe ee Puntland.

Waxaa kamid ah kuwa ugu waaweyn qorshaynta iyo naqshadaynta magaalada, arimaha bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka asaasiga ah, Howlaha guud, ilaalinta deegaanka waxaa sidoo kale soo raaca hormarinta iyo dhiirigalinta beeraha, xoolaha, ganacsiga, warshadaha, dalxiiska iyo duurjoogta, iyo adeegyada kale ee bulshada.

Ujeedka Shaqada

Sargaalkaan wuxuu noqonayaa agaasimaha waaxda dakhliga iyo canshuuraha ee dowladda hoose ee Garowe.

JAANGOYNTA IYO QEEXIDA SHAQO

  1. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay ururinta cashuuraha Dawladda Hoose ee Degmada.
  2. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay abuuris ilo dhaqaale oo cusub iyo u sahamintooda.
  3. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay dabagalka iyo soo xaraynta cashuurihii baaqday sannooyinkii hore.
  4. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay kormeerka suuqyada iyo hawl qabadka shaqaalaha ururiya cashuuraadka.
  5. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay qiimaynta shaqaalaha cashuuraha iyo ku tababaridooda goobta shaqada (on job training).
  6. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay tira-koobidda iyo diiwaangelinta hantida ma guurtada ah ee dadewynaha Degmada ku nooli leeyihiin, sida Daaraha, Huteelada, goobaha ganacsiga, carshaanta, sandaqadaha, beeraha, bajaajta, gaadiidka I.W.M. ee Cashuuruhu ku waajibtay.
  7. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay ka talo bixinta arrimaha shaqada iyo shaqaalaha waaxda.
  8. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay qiimaynta noocyada cashuuraha ee sannad kasta.
  9. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay ururinta kirada iyo arrimaha ijaarka hantida Dawladda Hoose.
  10. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay tirakoobka iyo diiwaangelinta ilaha dakhliga.
  11. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay soo xeraynta dakhli maalmeedka
  12. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay talo soo jeedinta abuuridda iyo dib u habaynta Cashuuraha.
  13. Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay kala xadaynta iyo kala habeynta darajooyinka liisamada.

Waxyaabaha laga rabo

  • Shahaadada kawaad ee jaamacadda ee culuumta Xisaabaadka, dhaqaalaha, maareynta ganacsiga I.W.M
  • Ugu yaraan 7 sano iyo kabadan oo la xariirta xisaabaadka  iyo maaliyadda (Xafiis dowli ah waa faa’iido dheeri ah)
  • Inuu si fiican u qorikaro/ akhrinkaro/ugu hadli karo Af-soomaaliga iyo Englishka.
  • Inuu aqoon fiican u leeyahay Kumbuyuutarka kuna shaqaynkaro dhamaan culuumta kombuyuutarka ee shaqada la xiriirta.

Soo gudbinta Araajida

Qofka buuxiyey sharuudahan shaqo wuxuu kusoo diri karaa CV-giisa oo wata ugu yaraab saddex qof oo tixraac ah (references), codsigiisa iyo araajidiisaa shaqo cinwaanka hr.garowemunicipality@gmail.com  ama arjiga oo daabacan ayuu wuxuu keenikarayaa xafiiska xoghaynta guddoomiyaha Dowladda Hoose ee Garoowe ugu danabayn 12/12/2019(12:00 PM- duhurnimo) .

Waxaa lala soo xariiri doonaa cidda kusoo baxda liiska gaaban (short list).