Agaasimaha warfaafinta, wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdrishiid Yuusuf Jibriil oo kormeer shaqo kujooga magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa kulamo kala duwan oo looga xaajoonayey arrimaha Amniga Gobolka Sanaag la qaatay Maamulka Degmada Badhan, kan Gobolka Sanaag laama amniga ee Gobolka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo Duqqa Degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise oo kulanka hadal kasoo jeediyey ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan mashaariicdii horumarineed ee ay dawladda Puntland ka hirgelisey Degmada Badhan iyo guud ahaanba gobolka Sanaag isla markaana ay shaqaynayaan dhammaan xarumaha wasaaradaha dawladda ee dhowaan laga hirgeliyey degmada oo bulshada loogu adeegayo.
Sidoo kale waxay tilmaameen in uu sugan yahay amniga guud ee Gobolka Sanaag marka laga reebo xooga dhaqdhaqaaq ciidan ah oo uu maamulka Somaliland ka wado galbeedka Gobolka Sanaag, kaas oo ah mid dawladdu la socota ciidamaduna ay heeggan buuxa ugu jiraan.
Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dawladda Puntland ay isha ku hayso dhaqdhaqaaq walba oo maamulka Somaliland uu ka sameeyo gobollada Sanaag iyo Haylaan isla markaana ay dawladdu diyaar u tahay in ay tallaabo sharci ah ka qaado cid walba oo isku dayda in ay wax u dhinto amniga iyo xasiloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland.
Sidoo kale Agaasimuhu waxa uu ugu baaqay bulshada Gobollada Sanaag iyo Haylaan in la shaqeeyaan ciidamada difaaca Puntland ee ku hawl-gallada nabad-gelyada lagu sugayo ka wada jiidaha hore ee gobolladaasi.
Ugu dambayn Abwaan Cabdirashiid waxa uu Kormeero shaqo kusoo maray Dhismaha xarumaha wasaaradaha Waxbarashada, Deegaanka iyo haweenka oo bulshada loogu adeegayo iyo dhismaha wasaaradda xannaanada xoolaha oo heer gebagebo ah maraysa.
Xarumihii uu kormeerkiisa ku tegey waxaa ka mid ahaa Jaamacadda Maakhir oo ah Jaamacadda ugu weyn ee laga hirgeliyey geyiga Soomaaliyeed oo dhismeheedu uu marayo %70 oo la mid ah in uu marayo heer geba-gebo ah isla markaan xadhigga laga jari doono dhammaadka sannadkaan.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
