Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo u hambalyeeyay Liibaan Shuluq

Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble oo ka tirsan xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa u hambalyeeyay Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo maanta loo doortay Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.

Rooble ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Liibaan Axmed Xasan oo maanta loo doortay Madaxwaynaha cusub ee Galmudug. Waxaan ugu ducaynayaa in Allah u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu qaaday”.

Ra’iisul Wasaare hore Rooble iyo madaxweynaha cusub ee Galmudug Liibaan Shuluq ayaa isku hayb ah, iyaga oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Hambalyada Rooble waxay ku soo aaday, xilli uu jiro madmadow soo kala dhexgalay Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta oo ah siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho.

Sidoo kake Liibaan Shuluq waxaa u hambalyeeyay xubno mucaarad ku ah dowladda Xasan Sheekh oo ay ka mid yihiin madaxweynuhii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Odowaa iyo xildhibaan Cabdiladiif Sanyare.

PUNTLAND POST