
Puntland ayaa sheegtay in roobabka El Nino ay daadad ku soo rogeen magaalada Gaalkacyo, islamarkaana ay xiran yihiin goobaha muhiimka ah ee dadweynaha.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland Cabdinaasir Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in roobab muhiiigaan ah oo da’ay ay sababeen in ay xirmaan oo biyo farabadan fariistaan xarumaha caafimaadka, suuqyada, goobaha waxbarashada iyo waddooyinka magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale wuxuu xusay in ay daadadka Gaalkacyo ay keeneen in ay isku furmaan musqulaha, baraagaha xaafadaha iyo biyaha fadhiya magaalada, taas oo sababi karta xaalado caafimaad.
Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay tahay degmada saameynta ugu badan ay ku yeesheen roobabka ka da’ay Soomaaliya, islamarkaana ay ka dhalan karto xaalad aan wanaagsanayn.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay hay’aydaha ka howlgala Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya in ay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan Gaalkacyo, iyada oo xoogga la saarayo sidii biyaha fadhiya looga saari lahaa magaalada.
PUNTLAND POST