
Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari ayaa waxa hareeyay buuq iyo gacanqaad kaddib markii xildhibaanada qaar ayaa diideen habraaca loo buuxiyay shantii xubnood ee u goosatay Somaliland
Qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa sheegay in xoog lagu buuxsaday kuraastoodii, iyaga oo arrintaas ku eedeeyay madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Waqooyi Bari Cabdirishiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in la gees maray oo la wiiqay wadayeelashadii maamulka.
Abwaan ayaa hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri “waa ayaan daro weyn waxa Golaha Wakiiladda Waqooyi Bari ka socda, taasi waxay wiiqaysaa wax wadalahaanshaha iyo heshiiskii bulsho ee la wada galay, waxaan eegaynaa waxa ay dhasho”
Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa khilaafka xooggan ee u dhexeeya madaxda sare ee Waqooyi Bari, gaar ahaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, kuwaas oo ku dhow in ay mooshin isku ridaan.
PUNTLAND POST