Saadaasha roobka ee Puntland

Roobab xooggan iyo kuwa dhexdhexaad ah ayaa la saadaalinayaa in ay todobaadkan (17–24 Oktoobar 2026) ka da’aan deegaanno ka tirsan Puntland.

Roobab xooggan oo gaari kara 50–100 mm ayaa la filayaa in ay ka da’aan deegaanno kooban oo ka tirsan gobollada Mudug, Bari iyo Raascasayr, gaar ahaan degmooyinka Gaalkacyo, Galdogob, Iskushuban iyo Caluula.

Sidoo kale roobab dhexdhexaad ah ayaa la filayaa in ay ka da’aan qaybo ka mid ah gobollada Karkaar, Nugaal iyo Mudug, gaar ahaan degmooyinka Qardho, Garoowe iyo Jariiban.

Roobabka ayaa la saadaalinayaa in ay faa’iido u yeelan karaan daaqa iyo ilaha biyaha, hase yeeshee deegaannada laga filayo roobabka xooggan waxaa ka dhici kara daadad degdeg ah iyo biyo-fadhiisin.

Bulshada Puntlnad waxaa lagu boorrinayaa in ay muujiyaan feejignaan xooggan, lana socdaan digniinaha rasmiga ah ee dowladda.

PUNTLAND POST