Puntland: Burcad-badeed caarisiiyay markab, shaqaalihiina la degay

Wararka imanaya deegaanka Hulcaanood ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxdii Burcad-badeedda ee haysatay markabka M/T Eureka ay caarisiiyeen, islamarkaana ay berriga ula dageen shaqaalihii saarnaa oo u badnaa Masaari.

Burcad-badeedda ayaa tallaabadan qaaday, kaddib markii ay ogaadeen qorshe ay Puntland berri ku weerari lahayd markabka.

Markabka M/T Eureka oo siday shidaal ayaa la afduubay 2-dii bishii Maajo ee sanadkan, isagoo marayay biyaha Yemen, wuxuuna ku gooshayay calanka Togo.

Puntland ayaa maanta weerar ku qaaday markabka Honour 25, iyada oo kooxdii Burcad-badeedda ay dsihay qaar ka mid ah shaqaalihii, kana dageen markabka.

PUNTLAND POST