
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas), kaas ahaa madaxii guud ee sirdoonka Al-shabaab.
Dowladda ayaa tilmaamay in duqeynta lagu dilay Ikhlaas ay 23-kii Agoosto 2026 ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, taas oo ay iska kaashadeen hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya faahfaahin dheeraad ah kama bixin dilka Cabdullaahi Xaashi Labajir oo ay sheegtay in uu ka mid ahaa madaxda ugu sarreysa ururka Al-shabaab.
PUNTLAND POST