Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay dhiggiisa Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay weheliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan wafdigiisa ayaa la sheegay in uu dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya iyo amni ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa si qoto dheer uga wada xaajooday qadiyadaha caalamka ee dhanka amniga, nabadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista arrimaha carqaladda ku ah habsami u socodka Ganacsiga Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Mudane Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa si weyn u boggaadiyay horumarka ay ku talaabsatay Soomaaliya iyo wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan, kuna dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay sidii ay isu barbar taagtay madax-banaanida dhulleed iyo qaranimada Soomaaliya markii lagu soo xad-gudbay Jamhuuriyadda, taasi oo shacabka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan dowladda iyo shacabka Qatar.

Ugu Dambayn: Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Qatar Sheekh Maxamed gaarsiiyay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST