Puntland oo war ka soo saartay siidaynta markabka Lutuf

Puntland ayaa cambaaraysay lacagta madaxfurashada ah ee la siiyay kooxdii Burcad-badeedda ee haysatay markabka MV Lutuf oo u rarnaa dowladda Turkiga.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu sheegtay in lacagta madaxfurashada ah ay tahay khalad weyn oo halis ku ah dadaalada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Burcad-badeedda.

Sidoo kale Puntland waxay beenisay in Turkiga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoog ku furteen markabkaas, warkaas oo ay saacado ka hor sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay fududeeyeen lacagta madaxfurashada ah, islamarkaana ay xiriir la sameeyeen kooxda Burcad-badeedda ah ee haysatay markabka MV Lutuf.

Puntland waxay xustay in ay Turkiga kula xisaabtamayso duqaymihii dadka lagu dilay ee ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal, taas oo ay sheegtay in Ankara ku beegsatay dad kalluumeysato ah.

PUNTLAND POST