
Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaga hortimid duqeyntii maalmo ka hor ka dhacday deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal, taas oo ay ku tilmaantay mid lagu beegsaday dad kalluumeysato ah iyo hantidooda.
Puntland waxay ugu baaqay dowladaha leh maraakiibta duqeynta ka gaystay Garmaal in ay jawaab degdeg ah ka bixiyaan ujeedka howlgalkaas.
Waxay sheegtay in hawlgalada noocaas oo kale ah ay wax u dhimayaan iskaashiga hay’adaha amniga Puntland iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaysanaya la dagaalanka Burcad-badeedda.
Puntland waxay xustay in ay baaritaan gaar ah ku hayso xogo sheegaya in ay jiraan awoodo ka baxsan Puntland oo qayb ka ah hawlgalada cusub ee Burcad-badeedda, kuwaas oo gabaad looga dhiganayo masaaliix siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Hadalka Puntland wuxuu yimid, iyada oo xalay markale duqeyn ka dhacday deegaanka Garmaal, taas oo lagu burburiyay labo saxiimadood oo matooro saarnaayeen oo yaallay xeebta.

PUNTLAND POST