
Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Xuseen Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay in Gaalkacyo leedahay xeer goonni ah oo aan quseyn Garoowe iyo Dhuusamareeb, islamarkaana loo baahan yahay in uu dhowro qof kasta oo yimaada.
Maayar Xuseen wuxuu tilmaamay in ay Gaalkacyo mustaqbalka dhow noqonayso magaalo ismaamusha oo ka madax bannaan maamullada Puntland iyo Galmudug
“Cid kasta oo Gaalkacyo timaadda waxa aan u sheegaynaa xeerka magaalan ma quseeyo xeerka Garoowe iyo Dhusamareeb, waxaan leenahay xeer goonni ah, mustaqbalka dhowna waxaan rabnaa in aan ka baxno labada maamul oo noqonno magaalo ismaamusha oo ka jirta Soomaaliya” ayuu yiri maayar Xuseen oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday dhanka Galmudug.
Hadalka duqa Gaalkacyo wuxuu dhaliyay hadal hayn badan, iyada oo dadka qaarkii ay ku dhaliileen, islamarkaana sheegeen in uu jabiyay dastuurka Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in maanta soo gaaro koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, safarkaas oo hore uga digtay Puntland, kuna tilmaantay mid lagu carqaladeynayo nabadda Gaalkacyo.
PUNTLAND POST