
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, ayaa magacaabay taliyaha howlgalinta gobolka Karkaar iyo taliyaasha saldhigyada Qardho, Bandarbeyla & saldhigga bari ee magaalada Garoowe.
Warqado ka soo baxay xafiiska hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland kuna taariikhaysan 16/8/2026 ayaa lagu shaaciyay magacaabistan.
1. L/X/Le Maxamed Axmed Cismaan — waxaa loo magacaabay taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Qardho.
2. X/Le Axmed Ciise Ducaale — waxaa loo magacaabay taliyaha howlgalinta qaybta Booliska gobolka Karkaar.
3. K/S Maxamed Abshir Axmed — waxaa loo magacaabay taliyaha saldhigga degmada Bandarbeyla.
5. K/S Cawil Maxamed Cabdi Baale — waxaa loo magacaabay taliyaha saldhigga bari ee magaalada Garoowe.
PUNTLAND POST